AQOON & ARAGTI
KNOWLEDGE & PERSPECTIVE

About us

Taariikhdeenna (Our Story

Anigu waxaan ahay qof aad u xiiseeya cilmiga siyaasadda iyo arrimaha caalamka. Wakhti dheer ayaan ku qaatay akhriska iyo falanqeynta arrimaha dibadda, siyaasadda gudaha, iyo xiriirka caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo aan raadraac sameeyo, waxaan dareemay in ay jirto baahi loo qabo meel ay isku weydaarsadaan aragtiyahooda dad jecel fahamka qoto dheer ee siyaasadda iyo arrimaha dunida.

Halkaas ayaa igu dhalisay fikradda ah in aan abuuro website-kan—madal u furan qoraallada, falanqaynta, iyo doodaha ku saabsan siyaasadda caalamka. Ujeeddadaydu waa in aan si qoto dheer u faaqido dhacdooyinka waaweyn, xoojiyo wacyiga, oo aan akhristayaasha siiyo aragtiyo cusub oo ay wax ku qiimeeyaan.

Haddii aad tahay qof xiiseeya fahamka xeel dheer ee arrimaha siyaasadeed, falanqeynta xasaradaha caalamiga ah, iyo wax-ka-ogaatidda isbeddellada dunida, markaas waa lagugu soo dhoweynayaa. Waxaad ka heli doontaa website-kan maqaal qoran oo aan anigu leeyahay, aragtiyo waxtar leh, iyo dood furfuran.

Ku biir safarkayaga, aan wax wada akhrino, aan wax wada qorno, oo aan wax isla falanqeyno!